Wasiirka amniga Soomaaliya oo sheegay in ciidamada ay dhibaato u geysteen dad dibadbaxyo nabadeed ka dhigayay Muqdisho

0
643

Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada amniga ay dhibaato u geysteen dad dibadbaxyo nabadeed ka dhigayay Muqdisho.
Wuxuu sheegay in baaritaan lagu sameyn doono sida ay wax u dhaceen.
“Waxaan sidoo kale shacabka ugu baaqayaa in ay is dejiyaan lana ilaaliyo xasiloonida Caasimada mana la aqbali karo wax rabshada ah”. ayuu yiri Cabdullaahi Maxamad Nuur oo qoraal soo dhigay boggiisa Facebook-ga.
Warkaan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamad Nuur ayaa yimid ka dib markii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur & Wasiirkii hore ee Amniga Axmed Macalin Fiqi ay sheegeen in Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Kaniif & Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole joojiyeen dibadbax looga soo horjeeda madaxweynaha xilka sii haya ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.