Ciidamada Soomaaliya oo kala eryay dad banaanbaxyo ka dhigayay Muqdisho

0
660

Dad is abaabulay ayaa maanta waxaa ay dibadbax ka dhigeen Xaafadaha Seybiyaano ee degmada Hodan ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kaas oo ay sheeeen inay kaga soo horjeedeen afgambi ay sheegeen in uu doonayay madaxweynaha xilka sii haya ee Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay kamid yihiin,( AFGEMBI MAYA DOORASHO HAA) iyo Erayo kale, waxaana ay soo mareen waddooyinka qaar ee Xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan.
Waxaana dadka banaanbaxaas ka qayb galay ka mid ahaa wasiirkii hore ee amniga maamulka Galmudug, Axmad Macalin Fiqi.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kala eryay dadka banaanbaxa ka dhigayay magaalada Muqdisho kaas oo looga soo horjeeday madaxweynaha.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur & Wasiirkii hore ee Amniga ee Galmudug Axmad Macalin Fiqi ayaa waxaa ay sheegeen in banaanbaxa ay hor-istaageen Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaliyeed Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cismaan Maxamad Cabdullaahi (Kaniif) & Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud (Qaroole).
“Dibadbax looga soo horjeedo afgambigii Farmaajo, ayaa waxaa hor istaagay Farxaan Qaroole iyo Kaniif, Ra’iisul wasaare Rooble iyo Wasiirkiisa amniga waxaan ka codsanaynaa in ay dadka ka hor wareejiyaan haraadiga kaligii taliska” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur”
Waxaa weli Soomaaliya ka taagan khilaafka siyaasadeed, waxayna xiisadda cirka isku shareertay markii madaxweynaha uu dhawaan sheegay inuu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble oo hormuud u ahaa howlaha doorashada uu shaqada ka joojiyey ka dib markii uu soo galay tuhun Musuqmaasuq iyo ku Takrifal Awoodeed.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here