Degmada Hodan oo guddoomiye cusub loo magacaabay

0
724

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa Maanta Guddoomiye Cusub u magacaabay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, kadib markii dhawaan la dilay guddoomihii hore ee degmadaas.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska duqa muqdisho ayaa waxaa Guddoomiyaha Cusub ee degmada Hodan loogu Magacaabay Cabdi Fitaax Ciise Dhagajuun oo ah Wiil Dhalinyaro ah kaasoo bedelaya Walalkiis Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdi kariin Ciise Dhagajuun.
Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdi kariin Dhagajuun ayaa xilli habeen ah 21-kii Bishii Janaayo ee sankadan 2021 waxaa Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku dileen wadada aada Garoonka Adan Cade, kadib markii gaarigii uu saarnaa ay rasaaseeyeen.