DHAGEYSO:Booliska Machakos oo baaraya ganacsade soomaaliyeed oo la waayay

0
904

Ciidamada booliska ee ismaamulka Machakos ayaa lagu soo warramayaa inay billaabeen baaritaano ku saabsan afduub la sheegay in lagula kacay ganacsade soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamad Xassan.
Ninkan ayaa waxaa dad ugu war dambeysay 23-kii bishan Diseembar.
Ilaa iyo hadda ma cadda haybta cidda ka kaxeysatay isgoyska Machakos Junction.
Qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa oo warbaahinta uga sheekeeyay qaabkii loo afduubtay ayaa dowladda ka codsaday inay meel ku sheegto haddii uu dembi galayna maxkamadda la soo taago