Hay’adda WHO oo ka hadashay halista Omicron

0
332

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in halista nooca cusub ee caabuqa corona ee Omicron ay aad u sarreyso.
Tani ayaa timid ka dib markii muddo hal toddobaad gudihiis ah ay kiisaska cudurka COVID-19 ee dunida kordheen boqolkiiba 11.
WHO ayaa xustay in faraca Omicron uu saameyn ba’an ku hayo waddamo horay ula tacaalay noocii hore ee Delta.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in noocani uu hadda aad ugu badan yahay boqortooyada Ingiriiska iyo Maraykanka.
Waddamada uu cudurku si maalinla ah ugu sii kordhaya waxaa ka mid ah Faransiiska , Ingiriiska , Talyaaniga, Giriigga iyo Portugal.
Wadanka Faransiiska ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay laga diiwaangeliyay 180,000 xaaladood oo ah kuwa cudurka COVID-19.