NISA oo ka jawaabtay dalabkii wasaaradda amniga ee Mukhtaar Roobow

0
415

Taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa ka soo jawaabtay warbixiintii uu shalay ka dalbaday Wasiirka Amniga ee ku saabsaneyd xaaladda wadaadka horay uga tirsanaa dagaalameyaasha Al-Shabaab balse kal hore isaga soo baxay dhowr sano ka horna ay dowladda Soomaaliya xirtay Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).
Warqad kasoo baxday Xafiiska Kusimaha Taliyaha Hay’adda NISA Yaasiin Farey ayaa lagu sheegay in xaaladda caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, islamarkaana uu leeyahay dhakhaatiir si joogto ah ula socota xaaladdiisa caafimaad, sidoo kalena uu yahay Arday dhigta Jaamacadda heerka labaad ee Master Degree, xiriir joogtana la leh Macallimiintiisa.
Warka kasoo baxay Sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu yiri Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo doolar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, islamarkaana uusan buuxin shuruudaha isa soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa.
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa shalay warqad ka soo baxday waxay Hay’adda NISA kaga dalbatay inay soo gudbiso warbixin dhamaystiran oo ku saabsan xaaladda Mukhtaar Rooboow oo sanadkii 2018-kii laga soo xiray magaalada Baydhaba kaddibna Magaalada Muqdisho la keenay xilligaas oo uu kamid ahaa Musharrixiinta u taagnaa xilka madaxweynah Koonfur Galbeed.