Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Warar is khilaafsan oo kasoo baxaya guddiga doorashada heer federaal ee Soomaaliya

Warar is khilaafsan oo kasoo baxaya guddiga doorashada heer federaal ee Soomaaliya

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in guddiga doorashada heer federal uusan gacan ku heynin boggagii rasmiga ay ku lahaayeen baraha bulshada, sida uu baahiyay Radio Muqdisho.
“Sidaa darteed inta dib loogu soo celinayo guddiga wixii lasoo galiyo ma aha wax guddiga kasoo baxay”
Waxay u muuqataa in uu khilaaf ka dhex taagan yahay guddiga doorashada dhexdiisa ka dib markii dhawaan xubno ka tirsan guddiga ay ku dhawaaqeen in xilkii laga qaaday guddoomiyaha guddiga heer federaal halka guddiga doorashooyinka heer federal uu xaqiijiyay in wax xilka qaadis ah aan lagu sameyn guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa isla markaana si rasmi ah ay howshooda u wataan.
Sidoo kale war qoraal ah oo kasoo baxay bogga rasmiga ah ee guddiga doorashada heer federal ayaa loogu baaqay siyaasiyiinta inay ka fogadaan waxyaabaha kala qeybin kara guddiga islamarkaana doorashada la dadajiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments