Maraykanka iyo Ruushka oo bisha soo socoto ka wada hadlaya arrimaha hubka

0
321

Dowladaha Maraykanka iyo Ruushka ayaa la filayaa inay bisha koowaad ee sanadka 2022-ka yeeshaan wada hadallo ku saabsan hubka .
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday sarkaal u hadlay madaxtooyada Maraykanka looga arrimiyo ee White House oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP.
Xukuumadaha Washington iyo Moscow ayuu qorshuhu yahay inay ka wada xaajoodaan xakameynta hubka nukliyeerka iyo dejinta xasaradda sare u sii kacaysa ee u dhexeysa Ukraine iyo Ruushka.
Wada hadallada labada dhinac ayaa la qorsheeyay inay furmaan 10-ka bisha Jannaayo ee sanadka dambe.