XFS oo NISA u qabatay muddo 48 saacadood inay kusoo gudbiso warbixin la xiriirta xarigga Mukhtaar Roobow

0
413

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalbaday in loo soo gudbiyo warbixin ku aadan sababta uu u xiran yahay Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur), oo mar hore ay dowladda ay xabsiga dhigtay, iyadoo tan iyo wixii markaas ka dambeeyay ay isi soo tarayeen cabashooyinka iyo qayla dhaanta ka imaanaya ehellada maxbuuska.
Cabdullaahi Maxamed Nuur Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa si gaar ah kaga dalbaday Kusimaha Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA inuu soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo la xiriirta xarigga Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
Sidoo kale wasiirka ayaa muddo 48 saacadood u qabtay inay hay’adda ku soo gudbiso warbixin dhameystiran.
Ehellada Mukhtaar Roobow iyo wakiillada matala ay si joogto uga cabanayaan in aan laga warheyn caafimaadkiisa iyo badqabkiisa, sidoo kalena dalbaday in caddaalad loo helo, waxaana xusid mudan in dhawaan uu warbaahinta la hadlay Mukhtaar Roboow, isagoo sheegay in xaaald aad u xun uu ku sugan yahay caddaaladna uu u baahan yahay.
Waxaa la xasuustaa in Ciidamada Itoobiya ay bishii 12-aad ee sanadkii 2019-kii Mukhtaar Roobow ka qabatay magaalada Baydhabo, ka dib amar ka yimid dowladda Soomaaliya, xilligaas oo uu isku diiwaangeliyay tartanka doorashada Madaxtinimada Koonfur Galbeed, waxaana tallaabada lagu xiray ka dhashay rabshado dad badan ku dhinteen.
Qaybaha kala duwan ee shacabka Koonfur Galbeed ayaana dhowr jeer dalbaday in caddalaad loo raadiyo maxbuuska oo Muqdisho ugu xiran sabab aan ilaa iyo hadda la faahfaahin, maadaama horay uu ugu dhawaaqay in uu isaga baxay kooxda Al-Shabaab oo in muddo ah uu ka tirsanaa.