Rw Rooble oo ka hadlay ciidamada la sheegay in la geeyay xafiiskiisa

0
674

Qoraal lagu shaaciyay bogga xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shaqada Ra’iisul Wasaaraha soo farageliyay uuna isku dayay inuu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay inay tallaabooyinkaasi ay baal marsan yihiin dastuurka iyo sharciyada dalka, “mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.”
“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah.” Ayaa lagu yiri qoraalkaas.