Farmaajo oo taliye Odowaa faray inuu shaqada ka joojiyo taliyaha ciidamada badda Soomaaliya

0
533

Madaxweynaha xilka sii haya ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Odowaa ku amray in shaqada laga joojiyo Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Cabdixamiid Maxamad Dirir.
Sarkaalkan oo hore ugu eedeeyay Rw Rooble boob Dhul dan-guud ah ayaa qayb ka ah tuhunka eedaha Madaxweynuhu shaqada ugu joojiyay Wasiirka koowaad ee la xiriira Musuqmaasuqa.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sidatan u qorna:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay tallaabadani u leedahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida in ay si waafaqsan sharciga iyo Xeerarka Ciidannimo ugu fara-adeygaan dhulka Danta Guud ee Ciidanka iyo Hantida ay wakiilka uga yihiin Shacabka Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah howl gudashadooda.