Rw Rooble oo si kulul uga jawaabay hadalkii ka soo yeeray MD Farmaajo

0
288

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa ka hadlay qoraal xalay kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo Ra’iisul Wasaaraha loogu eedeeynayay inuu ka gaabiyay gudashada waajibaadkiisii.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu eedeeyay in Madaxweynuhu carqaladaynayo hannaanka Doorashada Soomaaliya oo maraya marxalad aad xasaasi u ah.
Qoraalka Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ka soo baxay ayaa lagu bilaabay Musharrax gaar ah lagama aqbalayo inuu doorashada ku takri falo sidoo kalena uu aad uga xun yahay qoraalkii saaka aroortii kasoo baxay Xafiiska Madaxwaynaha.
Warka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayuu Ra’isulwasaruhu ku sheegay mid si ku talo-gal ah loogu carqaladaynayo hannaanka Doorashada Dalka oo maraya marxalad aad xasaasi u ah.
Sida ka muuqata waqtiga lagu soo beegay qoraalkan oo ah xilli loo balansanyahay Kulanka Golaha wadatashiga Qaranka oo la doonayo in lagu dardargaliyo howlaha Doorashooyinka, iyo ilaalinta hufnaanta doorashada, waa qorshe uu Madaxwaynuhu ku doonayo in uu uga hortago kulanka Golaha taas oo si cad u muujinaysa in aanu Madaxwaynuhu marna raali ka noqon, kana noqondoonin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho ay ku kalsoonaan karaan Bulshada Soomaaliyeed ayuu yri Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.
Ra’isulwasaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu la wadaagayo Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba in Madaxwaynuhu intii uu Xafiiska joogay uu waqti, maal iyo maskaxba ku bixinayay sidii uu kusii joogi lahaa xafiiska isagoo isku dayaya in doorashadu noqoto oo kaliya mid ka jawaabaysa doonistiisa ama uu wadada u xaarto muddo kororsi sharci-darro ah sida hadalka xafiiska Ra’iuslwaasaraha ka soo baxay lagu yiri isagoo intaas ku daray in ilaa markaa uu ra’isulwasaaruhu la wareegay hogaanka doorashada.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in doorashada uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaruhu ay tahay mid ay u siman yihiin dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Musharaxiinta u tartamaya hoggaanka dalka oo uu ku jiro Madaxwaynahu sidaas darteedna aan la aqbali karin in Musharax gaar ah uu isku dayo inuu doorashada ka dhigo mid uu natiijadeeda ku leeyahay saamayn gaar ah.
Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay inuu Shacabka Soomaaliyeed u caddayneynaa in mas’uuliyadda doorashadu ay saaran tahay Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wadatashiga Qaranka, sidaas awgeed shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha ka qabsoomayo Magaalada Muqdisho sidii uu ku tala galku ahaa.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay inuu wado Kulammo aragti wadaag ah oo uu la leeyahay, Bulshada Rayidka ah, Golaha Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka si looga dhagaysto talooyinkooda la xiriira hufnaanta doorashada iyo dhammaystirka Golaha Shacabka oo waqtiyaysan kuwaasoo lagu dhamaystiri doono kulanka Golaha Wadashiga Qaranka ee qorshaysan.
Isagoo guud ahaan dhinacyadaan la socodsiiyay in la joogo xilligii si wadajir ah looga hor-imaan lahaa shaqsiyaad uu sheegay inay caqabadda ku yihiin nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya si looga baaqsado inuu dalku galo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.
Ugu danbayn, Ra’iisulewasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in isagoo gudanaya waajibaadka qaran ee uu siiyay Dastuurka KMG ah ,raacayana Heshiisyada Siyaasadeed ee awoodda u siiyay hogaaminta Doorashada iyo Amniga, uu u balanqaadayo Shacabka Soomaaliyeed isagoo kaashasnaya Golaha wadatashiga Qaranka iuu xoggiisa isugu gaynayo dhamaystirtka Doorashada iyadaoo la ilaalinayo hufnaanteeda maadaama xalka kaliya ee u furan Qarankaan ay yahay Doorasho horseeda in awoodda loogu kala wareego si sharci ah oo nabdoon