Shirkii uu ku baaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo dib u dhacay

0
290

Waxaa dib u dhac uu ku yimid Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka, oo la filayay in berri oo ku beegan 27-ka bishan inuu ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka dib markii uu dhawaan iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble.
Sababta dib u dhaca shirka ayaa Wararka la helay waxay sheegayaan inay tahay in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu codsaday in la siiyo muddo toddobaad ah oo lagu dhammeynayo shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka oo uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayay in looga hadlo dardar gelinta geeddisocodka doorashada, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka Soomaaliya ee jiitanka galay in muddo ah.
Dib u dhaca Shirka Golaha wadatashiga Qaran ayaa sidoo kale wuxuu kusoo beegmayaa xilli warqad ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya lagu eedeeyay inuu Ra’iisul Wasaare Rooble uusan gudan waajibaadkii loo igmaday 14-kii bilood uu xilka haya.