DHAGEYSO:Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay inuu socdo abaabul ka dhan ah rw rooble

0
307

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaalla ayaa sheegay inay socdaan iskudayo sida uu hadalkiisa u dhigay lagu sumcada dilayo Ra’iisul wasaare Maxamad Xuseen Rooble.
Sidoo kale Wuxuu Digniin u diray Sarkaal walba oo dowladda katirsan kaas oo isku daya inuu ku dhax milmo arrimaha siyaasadda isagoo xafiis gaar ah ugu adeegayo awooddiisa sarkaalnimo.
Waxaa uu Tilmaamay in tilaabadii shaqada looga eryay xubno ka mid ahaa guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ay ahayd mid lagu toosinaayay doorashada Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu xusay in Ra’iisul wasaare Rooble uu ka shaqaynayo arrimaha Doorasho iyo toosintooda isagoo sheegay in sababta loo soo abaabulay waxa uu ku tilmaamay dacaayadaha ka dhanka ah ra’isiul wasaaraha ay yihiin in isaga lagu Sumcad dilo ayadoo la ogyahay dadaallada uu u galay doorashada iyo qabsoomideeda.
Ugu dambeyn wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda aysan wax badan ka qusayn arrinta guddiga doorashada heer federaal ay xilka uga qaadeen guddoomiye Cirro, asaga oo xusay in ay leeyihiin xeerar ay isku maamulaan.

Doorshada Soomaaliya oo horay muddo badan u soo jiitamaysay sidoo kalena marar badan dib uga dhacday jadwalo badan oo loo soo dajiyay ayaa hadda waxay u muuqataa inay mar kale dhinacyada ay doorashadu qusayso soo kala dhex gashay kala aragti duwanaansho iyo khilaafyo cusub.