Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya guddiga doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya oo ku aaddan in guddoomiyaha guddigaas, Maxamed Xasan Cirro xilkii laga qaaday.
Xubno ka mid ah guddigaas oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in guddoomiye cirro ay xilkii ka qaadeen ka dib markii guddigu ay eedaymo ka soo gudbiyeen guddoomiyaha.
Eedaymaha laga soo gudbiyey guddoomiyaha ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin wada tashi la’aan iyo in uu lumiyey madax bannaanidii guddiga.
Dhanka kale war qoraal ah oo lagu daabacay bogga Facebook-gga ee guddigaas ayaa lagu sheegay in aysan jirin xil ka qaadis lagu sameeyey guddoomiyaha iyo ku xigeenka guddigaas.
“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal wuxuu cadaynayaa in aysan jirin xil ka qaadis lagu sameeyey guddoomiyaha guddiga iyo ku xigeenkiisa, ayna howlahooda shaqo si rasmiya u wataan.” ayaa lagu sheegay warka lagu daabacay bogga Facebook-gga ee guddiga.
Waxaa kaloo lagu sheegay in guddiga doorashada lagu hayo fara gelin ka imanaysa dhinacyo siyaasadeed, taasoo dhibaato ku ah shaqada guddiga doorashada iyo hufnaanteeda.