Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Shirkii uu madaxweynaha Soomaaliya ku baaqay oo laga cabsi qabo inuu dib...

Shirkii uu madaxweynaha Soomaaliya ku baaqay oo laga cabsi qabo inuu dib u dhaco

Ka dib markii Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhawaan ku baaqay shir looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya oo lagu qabanayo 15-ka bishaan oo Berri ku began magaalada Garowe, ayaan ilaa iyo hadda la isku raacin halkii shirkaas muhiimka ah lagu qaban lahaa maadama Maamulka Puntland ay ku baaqeen in shirku ka dhaco Magaalada Muqdisho ee Caasimada ah.
Maalinta Beri oo Isniin ah ayaa loo asteeyay qabsoomida shirka, balseilaaa iyo hada ma muuqdo ififaalo uu shirkaasi ku furmayo sababa la xiriira inaan la isku afgaran halka uu ka dhacayo.
Shalay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa gaaray 14 Xubnood oo ah Guddi laga soo kala xulay Dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, oo maanta halkaasi shir ku yeelanaya.
Xubnaha Gudigaan ayaa shirkooda waxaay kaga hadlayaan sida uu u dhici lahaa shirka madasha wadatashiga Madaxda dowladda, ajandayaasha looga hadlayo iyo goobta rasmiga ah ee lagu qabanayo, in kastoo weli dowladda Soomaaliya ay ku adkeysaneyso in lagu qabanayo shirkaas Magaalada Garoowe.
Shirka uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa laga cabsi qabaa inuu dib u dhaco oo uusan ku qabsoomin waqtigii loogu talo galay, Maadaama Warbixin laga sugayo Guddiga shirka ku yeelanaya Magalada Baydhabo.
Shalay qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in aysan aaminsaneyn in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanayo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta oo ku yimaada shir-madexeedkaan muhiimka u ah masiirka umada Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments