Maraykanka oo qaadaya xayiraada socdaalka ee saaran 8 wadan oo ku yaala koonfurta Afrika
Maamulka Biden ayaa qaadi doona xannibaadaha safarka ee siddeed waddan oo koonfurta Afrika ah habeenka sanadka cusub, Diseembar 31, Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay.
Xayiraadaha, oo la soo rogay markii cudurka Omicron uu dillaacay bishii hore, ayaa loogu talagalay in waqti uu u helo Mareykanka si uu ugu diyaargaroobo ka hor taga , ayuu yiri madaxweyne Joe Biden.
Mamnuucida safarka ee 29-kii Nofembar ayaa saarna inta badan muwaadiniinta aan Mareykanka ahayn ee ku sugnaa Koonfur Afrika, Botswana, Zimbabwe, Namibia, Lesotho, Eswatini, Mozambique, iyo Malawi inay galaan Mareykanka.