Imaaraadka oo hakiyay duulimaadyada waddamo ay Kenya ka mid tahay

0
449

Dowladda isku tagga imaaraadka carabta ee UAE-da ayaa hakisay duulimaadyada uga yimaada dalalka Kenya, Tanzania, Itoobiya iyo Nigeria walaac laga muujinayo xaaladaha cudurka COVID-19 awgeed.
Wakaaladda wararka ee WAM ayaa qortay in amarkan uu sidoo kale saameynaya rakaabka 4-ta waddan ku sugnaa 14 cisho ka hor inta aynan halkaasi u safrin.
Tallaabada lagu hakiyay duulimaadyada ayaa waxaa shaaciyay guddiga qaran ee maareynta musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah ee Imaaraadka iyo maamulka duulimaadyada ee (GCAA).
Amarka ayaa dhaqan galaya abaare 7:30 subaxnimo ee berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25-ka bishan Diseembar.