Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasaaradda caafimaadka iyo NMS oo olole ka dhan qaadashada tallaalka Covid19 ka...

Wasaaradda caafimaadka iyo NMS oo olole ka dhan qaadashada tallaalka Covid19 ka fuliyay bartamaha Nairobi

Wasaaradda caafimaadka ee dalka oo kaashanaysa maamulka loo xilsaaray bixinta adeegyada muhiimka ee magaala madaxda dalka ee Nairobi ayaa shalay olole ballaaran oo ka dhan ah qaadashada tallaalka Covid19 ka fuliyeen bartamaha caasimadda wadanka.
Safaf dhaadheer ayaa lagu arkayay xarumaha tallaalka laga qaadanayay, iyadoo dadweyne badan goobahaasi tagayeen si ay u qaataan tallaalka COVID-19.
Barnaamijka qaadashada tallaalka ayaa shalay lagu qabtay goobta gadiidka dadweynaha laga raaco ee aaga dhismaha Kencom iyo binaanka madxafka qaranka ee Kenya Archives.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo wasaaradda caafimaadka ay gadiidka dadweynaha iyo iyo howl-wadeennada hoteellada ugu baaqday in macaamishooda ay soo bandhigaan caddayn muujineysa in qaateen tallaalka Covid19 si loogu adeego.
Sida laga soo xigtay Lilian Mutua oo ah, madaxa horumarinta caafimaadka ee maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta adeegyada bulshada caasimadda dalka ee Nairobi ee NMS, ayaa sheegtay in wasaaradda caafimaadka ay xoogga saarreyso sidii loo tallaali lahaa dadka halka dose qaatay iyo kuwa aan qaadan ka hor ciidda masiixiga ee Christmas.
Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa ugu baaqay dadweynaha aan qaadanin tallaalka inay qaataan, si ay gacan uga gaystaan ciribtirka Covid19.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments