Xabad joojin ka dhaqan gashay magaalada Boosaaso

0
299

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in xaalad deganaansho ah saaka magaalada laga dareemayo.
Boosaaso waxaa ka dhaqan gashay xabad joojintii la kala dhex-dhigay Ciidamada ka amar qaatay Madaxweynaha maamulka Puntland iyo kuwa Hay’adda PSF ee muddada Saddexda Maalinta ah ku dagaalamayay gudaha Magaalada Boosaaso.
Isimada ku nool degaannada maamulka Puntland ayaa xabad joojin kala dhex-dhigay labada dhinac, iyadoo Ciidamadii ishor-fadhiyay la kala qaaday sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso.
Waxaa dib u billowday isku socodka dadka , Gaadiidka iyo Ganacsiga ee Magaalada Boosaaso, kuwaasoo istaagay Saddexdii Maalmood ee uu magaalada dagaalku ka socday sidoo kalena ay dad badan guryahoodii isaga barakaceen.
Beeldaaja Maxamad Beeldaaje Ismaciil oo ka mid ah isimada deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegay inay rajeynayaan in nabadayntu sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan gasho oo loo dhameeyo, wuxuuna ugu baaqay Ganacsatada inay bulshada barakacday Caawiyaan oo ay gurmada u sameeyeen si magaalada iyo dadkeedaba xaaladoodu caadi ugu soo noqoto.