Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC ayaa isagoo kaashanaya waaxda qaran ee adeegga booliska waxaa uu soo bandhigay barnaamij lagu xaqiijinayo in doorashada guud ee sanadka 2022-ka ay noqoto mid nabad ah.
Qorshahan oo loo yaqaano (ESAP) ayaa lagu wadaa in la dhaqangeliyo ka hor xilliga codeynta oo ah 9-ka bisha siddeedaad ee sanadka soo socdo.
Guddiga IEBC ayaa sheegay in guddiga iskudhafka ah ee xaqiijinta amniga doorashooyinka uu hadda ku sugan yahay ismaamulka Kisumu.
Xubnaha guddigan ayaa ku howlan soo saaridda istaraatiijiyad lagu wacyigelinayo dadweynaha taasoo la xiriirta in doorashada ay si nabad ah uga qayb qaataan.
22-kii bishii Tobnaad ee sanadkan ayay ahayd markii waaxda qaran ee adeegga booliska ay kenyaanka u xaqiijisay inay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii doorashada guud ay ugu dhici lahayd jawi deggan.