Beesha caalamka oo ka hadashay shirka golaha wadatashiga qaranka Soomaaliya

0
293

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeysay shirka Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka Soomaaliya oo uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo qabsoomaya 27-ka Bishaan December.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xubnaha Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay soo dhaweeynayaan shirkaas iyo hanaan kasta oo ku saleysan ixtiraamka heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020 iyo 27dii May 2021.
Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan qorshaha lagu qabanayo kulanka fool ka fool ah oo uu yeelanayo Golaha Wadatashiga Qaran oo diiradda lagu saarayo hagaajinta iyo dardargelinta hannaanka doorashada, Waxayna mar kale ku celiyeen baaqayada ku aaddan daahfurnaan buuxda ee dhammaan hababka la xiriira arimaha Soomaaliya oo doorashooyinku ugu horeeyaan.
Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa isha ku hayaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyagoo Madaxda Soomaalida ku cadaadinaya in dalka lagu qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda.