Saraakiil ka tirsan laamaha amniga iyo hey’adaha garsoorka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxaa magaalada Dhuusa-mareeb uga furmay tababar lagu baranayo sidii loo joojin lahaa askareynta caruurta.
Kulankaan oo ay wada jir u soo qabanqaabiyeen wasaarada cadaalada dowlada Dhexe ee Soomaaliya iyo wasaarada cadaalada maamulka Galmudug ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka kala socota waaxyaha Booliska,Asluubta,Garsoorka iyo cadaalada.
Mudo labo cishe ah ayay xubnahaan baran doonaan hababka difaacida caruurta iyo ka hortagida in la askareeyay dhalaanka aan wali qaarkaarin ee ay kooxaha hubaysan adeegsadaan.
Waxyaabaha kale oo tababarkaan lagu baranayo ayaa waxaa ka mid ah garab istaagta dadka nugul oo ay Haweenku ka mid yihiin.
Agaasimaha waaxda xaquuqal aadanaha ee wasaarada cadaalada dowlada Fedraalka Soomaaliya Xuseen Ismaaciil ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay dhaqangalinta sharuucaha caalamiga ah ee ilaalinaya caruurta.
Wasiirka cadaalada iyo garsoorka maamulka Galmudug Cabdi Maxamed Fiidow ayaa hoosta ka xariiqay inay waajib tahay joojinta askaraynta caruurta ayna laamaha cadaaladu arintaas masuuliyada gaar ah iska saarayaan.