Soomaaliya oo shirka Jaamacada Carabta horgaysay warbixinta abaaraha

0
274

Shirka wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waddamada Jaamacadda Carabta oo ka socda magaalada Riyadh ee xarunta Dalka Boqortooyadda Sacuudiga ayaa la horgeeyay warbixinta xaalada abaaraha baahsan ee ka jira Soomaaliya.
Fadhiga 41aad , waxaa ka qaybgalaya Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif waxaana diiradda la saaraya Horumarinta Bulshada , xaaladaha dega-degga ah iyo saamaynta caabuqa COVID-19.
Soomaaliya ayaa fadhigaan horgaysay caqabadaha ay wajahayaan Bulshada Soomaaliyeed , xilli ay socdaan dadaallada ka hortagga COVID-19 ayadoo saamaynta abaartuna uga sii dartay Bulshada reer miyiga ah iyo kuwa ka fog magaalooyinka, waxaana Dawladda Soomaaliya ay u aqoonsatay xaaladahaan kuwa deg deg ah.
Wasiirka shaqada Soomaaliya ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta iyo Dawladda Sacuudiga oo shirka martigalisay ay kala hadaleen sida taageerro loola gaari lahaa Dadka ay saamaysay abaarta, saasoo ah marxaladda ugu daran ee Dalka uu xilligan wajahayo maadaama Dawladda Soomaaliya arrimahan dadaal muuqda ay ku wajahday, balse wali loo baahanyahay kaalmo dheeraad ah.
Wasiirka , wuxuu sheegay in sidoo kale uu la kulmay qaar ka mid ah wasiirrada Jaamacadda Carabta oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga, Qatar, Ciraaq, Masar, Kuwait, Jabuuti , Bahrain iyo Lebanon , waxayna dhammaantooda muujiyeen sida ay uga go’antahay taageerrada iyo garab istaaga shacabka Soomaaliyeed.
Shirka ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo Khamiista Maanta ah, iyadoo la soo bandhigayo baaq rasmi ah oo ku aaddan xaaladaha deg-deg ah ee ay wajahayaan waddamada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya ay ka mid tahay.