Taliska Africom oo ka hadlay dagaalka Boosaaso

0
248

Taliska Ciidamada Mareykanka ee ku sugan qaarada Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Boosaaso ee u dhaxeeya Ciidamada ka wada tirsan maamulka Puntland.
Taliska Africom ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin colaada Boosaaso, isla markaana uu sababi karo inay fursad ka helaan kooxaha Argagaxisada.
Warka ka soo baxay Africom ayaa lagu yiri “PSF waa ciidanka ugu awoodda badan ee Puntland u jooga la dagaalanka argagixisad.waxaan ka walaacsanahay in iska horimaadyadani ay hoos u dhigaan awoodda PSF-ta iyo in kooxahan argagaxisada ah ay fursad u helaan inay ka faa’ideystaan.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan ee loo yaqaano Africom ayaa taageera dhaqaalo iyo mid Millateri waxay siiyaan Ciidamada PSF Puntland, kuwaasoo loogu talo galay inay la dagaalamaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ku sugan deegaano maamulkaas ka tirsan.
Hadalkaan ayaa ku soo aadaya ayadoo markale Dagaal uu xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada ka amar qaata Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuwa taabacsan Agaasimihii xilka laga qaaday ee hay’ada PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.
Dagaalka ayaa sadex aa goo kala ah Aaga geedka Qabriga ee Xaafada Suweyto, Xaafada Ridwaan oo u dhow Taliska Ciidamada PSF iyo dhinaca Haamaha Shidaalka, ayadoo ay u muuqato inay dhaqan geli waayday xabad joojin shalay lagu dhawaaqay.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta Gudaha u sheegay inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray dad Shacab ah oo guryahooda ay rasaasta ugu tagtay, balse aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha dhashay dagaalkii xalay ee Boosaaso.
Badi dadkii ku sugnaa Aaga goobaha lagu dagaalamay ayaa ka barakacay guryahooda, waxaana weli Magaalada Boosaaso laga dareemayaa cabsi dagaaladaani sababeen waxayna wararku tilmaamayaan in wali ay dhinacyadu is-hor-fadhiyaan.
Waxaa jiray dadaalo ay wadeen isimada deegaanada maamulka Puntland oo ay ku doonayeen in xal looga gaaro colaada labada dhinac ee ka taagan magaalo xeebeeda Boosaaso oo ka soo bilaabatay xil ka qaadistii agaasimihii Hay’ada PSF, balse aan wali wax natiijo muuqato ah laga gaarin dadaalada xabad joojinta ah maadaama dagaalka uu xalay dib uga dhacay magaalada
Dhanka kale war ka soo baaxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka tiiraanyaysan yahay shaqaaqada iyo dagaalka ka socda magaalada Boosaaso, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac muwaadiniin aan waxba galabsan.
Madaxweynaha oo ku kalsoon xilkasnimada iyo garashada isimada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuu ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo gacan ka hadalka, lana abbaaro dhabbaha nabadda si loo helo xal waara.
Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoodey shaqaaqadan laga maarmi karey, wuxuuna dadkii ku dhaawacmay Alle uga baryayaa inuu degdeg ugu booga dhayo.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dhiirrigelinayaa dadaallada nabadaynta iyo wadahadalka ku dhisan ee ay wadaan isimada iyo dhaqanka Puntland ee u istaagay sidii loo joojin lahaa shaqaaqadan, looguna danayn lahaa xasilloonida deegaanka iyo danta bulshada reer Puntland.