Wasiirka Amniga ee Puntland, ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Gorgor ay qayb ka noqdeen dagaalada ka dhacay magaalada Boosaaso.
Waxaa uu sheegay in dagaalkaasi kaliya ay ka qeyb galeen Ciidanka PSF ee hoggaaminaayo Maxamuud Cusmaan Diyaano.
Wasiirka Amniga, ayaa carrabka ku adkeeyay in ay aqbalayaan oo kaliya in la raaco dastuurka maamulkaasi oo hoggaanka ciidammada PSF uu xilka wareejiyo.
Dhanka kale wasiir Gallan waxa uu intaasi ku daray in dhankooda ay diyaar u yihiin nabad iyo wadaxaajood, balse marnaba aanay ka tanaasulayn ku dhaqanka dastuurka.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo haatan ay deggan tahay xaaladda magaalada Boosaaso walow tan iyo shalay uu halkaas ka socday dagaal ay dhowr qof ku dhinteen, kuwo kale ay ku dhaawacmeen, halka dad badanna ay guryahooda isaga carareen.