Ciidamada PSF oo markii ugu horreysay qoraal kasoo saaray dagaalka Boosaaso

0
373

Ciidamada PSF-ta ee Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxaa ay faahfaahin kaga bixiyeen dagaalkii ay la galeen ciidanka kale ee kasoo hor jeeday ee ka amar qaata Madaxtoyada Puntland.
Qoraal kasoo baxay PSF ayaa lagu yiri in mas’uuliyadda dagaalka ay qaadayaan Ciidanka ka amar qaata Deni oo ay sheegeen in ay Barakacin ku sameeyeen dadkii deegaanka ee magaalada ku noolaa.
Horay Isimada dhaqanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ku aaddan dagaalka Saaka mar kale dib uga qarxay magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowlad Goboleedka Puntland.
Hoos ka akhriso warqadda kasoo baxday PSF-ta