Puntland oo war ka soo saartay dagaalkii ay ilaa shalay ka socday Boosaaso

0
771

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdisamad Maxamad Gallan ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin iyo wada-hadal ka dib dagaal saacado qaatay oo Maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso.
Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Xukuumadda Puntland ay diyaar u tahay in xabadda la joojiyo sidoo kalena laga wada hadlo wixii keenay dagaalka.
Warkaan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad Maxamad Gallan ayaa kusoo beegmay xilli Puntland aysan wax horumar ah ka sameyn dagaalkii ay la gashay Ciidamada PSF.
Dagaalkii labada cisho ka dhacay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen in ka badan 10 Ruux halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen islamarkaana u badan dad Shacab ah.
Waxaana sidoo kale magaalada ka dhacay Barkac aad u wayn, iyadoo la arkayay dad shacab ah oo xaafadaha qaar isaga baxaya, si aysan Xabadaha iyo Madaafiicda habowga ah u haleelin.