Wararkii ugu dambeeyay iyo israsaaseyn xooggan oo wali ka socota magaalada Boosaaso

0
308

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in rasaas goos goos ah laga maqlayo Magaalada, sidoo kalena waxaa la soo sheegayaa saan saan dagaal iyo xaalad kacsanaan ah.
Xiisadda dagaal ee ka taagan Boosaaso ayaa timid ka dib markii Ciidamo la sheegay in si gaar ah ay uga amar qaataan madaxweynaha maamulkaasi Siciid Cabdullaahi Deni ay weerar ku qaadeen Ciidanka PSF-ta.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in hadda xaaladdu kacsan tahay, waxaana la maqlayaa Rasaas goosgoos ah oo labaa dhinac ay isku adeegsanayaan.
Dadka shacabka ah ee kun nool xaafadaha ay hadda Xiisaddu ka taagan tahay ayaa isaga baxay guryahoodii, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalku uu sameeyn ku yeesho, waxaana socda Rasaas ay is dhaafsanayaan labada dhinac ee is hor fadhiya.
Wali wax khasaaro ah lama sooo sheegin, sidoo kalena lama ogaan karo, maadaama ay adag tahay in la tago aagga la isku hor fadhiyo.
Tan iyo markii xilkii laga qaaday Taliyihii Ciidanka PSF-ta Puntland waxaa isi soo tarayay iska hor imaadyada iyo khilaafka Cirka isku sii shareraya ee u dhexeeya Taliska PSF-ta iyo Madaxtooyada Maamulka Puntland.