DHAGEYSO:Taliyaha ciidanka badda Soomaaliya oo sheegay in dhulka ciidanka la boobayo

0
350

Taliyaha Ciidamada Badda dalka Soomaaliya Cabdixamiid Maxamad Dirir ayaa Ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble inuu Guri Raaxo ah Ka Dhisanayo Dhulkii Ciidamada Badda Soomaaliyeed ay Lahaayeen.
Janeraal Dirir oo warbaahinta kula hadlay goob xeebaha Xamar ka mid ah oo dhisme ka socday ayaa sheegay inaysan aqbalayn in ciidanka dhulkiisa la boobo.

Dhanka kale Janeraal Bashiir Maxamad Jaamac (Bashiir Goobe) oo isna ka hadlay arrintan ayaa sheegay inaysan sida uu taliye Dirir wax uu sheegay u jirin sida uu tilmaamay.
Waxaa uu sheegay inuusan dhulka uu dhismuhu ku socdo aysanba dhul ciidan ahayn.