Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya oo Muqdisho lagu doortay

0
310

Waxaa Maanta Xarunta dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Soomaaliyeed ee Janeraal Kaahiye lagu qabtay doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay GoboLlada waqooyi ama Soomaaliland.
Xildhibaan Jaamac MaxamAd Askar ayaa mar kale ku soo baxay kursiga Xildhibaannimo ee tirsigiisu yahay HOP254 ee Golaha Shacabka baarlamaanka fedEraalka Soomaaliyeed xubnaha ka soo jeeda Soomaaliland, kaasoo doorashadiisa saaka ka dhacday magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Jaamac Maxamad Askar ayaa waxaa la tartamayay musharrax Aadan Axmad nuur Haybe, wuxuuna ku soo baxay cod gacan taag ah ka dib markii uu tanaasulay musharraxii la tartamayay.
Sidoo kale Kursiga labaad ee saaka lagu doortay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo baxay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo isna mar kale ku guulaystay kursiga Xildhibaannimo ee tirsigiisu yahay HOP255 ee Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Soomaaliland.
Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo ku guuleystay doorashada ayaa helay 58-cod halka labadii musharrax ee la tartamayay ay kala helleen Axmed Maxamuud Muxumad oo kursigaan horay ugu fadhiyay 22 cod & Cabdillaahi Biixi Xuseen oo isana helay 21 cod.
Kursiga sadexaad ee doorashadiisu manata ka dhacday Xarunta Dugsiga tababarka ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo baxday Fawzia Xaaji Adan.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP262 oo ay horay ugu ugu fadhiday Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayay markale ku soo baxday kadib markii ay tartanka ka hartay Caasha Aadan Yuusuf oo la tartami lahayd.
Guddiga doorashada gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay natiijada codka gacan taaga ah ee ay ku soo baxday Fowsia Yuusuf Xaaji Aadan ka dib markii ay tanaasushay gabadhii kale ee la tartamaysay.

Kursiga ugu dambeeya ee doorashada Maanta ayaa la guda galay, waxaana uu yahay HOP229 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale isaga ayaana ku soo baxay kadib marii ay doorashada isaga hartay musharaxa Muna Cali Ibraahim oo la tartami lahayd.
Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Soomaaliland ayaa horay waxaa magaalada Muqdisho loogu doortay 10 xubnood marka lagu daro kuwa maanta la doortayna waxay gaarayaan 14 xubnood inta ilaa iyo hada la doortay.
Waxaa wali magaalada Muqdisho iyo maagaaloyinka qaar ee Maamul goboleedyada Soomaaliya ka socota doorasahda xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ee maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay ka dhacaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee la qorsheeyay.