Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamad Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya ka dib markii ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo, iyagoo ku milmay siyaasadda islamarkaana ay baal mareen xeerka anshaxa doorashada.
Xubnaha Shaqadda laga ceyriyay waxaa ku jira Guddoomiyaha Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Soomaaliya Xuseen Laki Maxamuud.
Mr. Rooble ayaa sheegay in xubnahaan ay ku milmeen siyaasadda ayna ku fashilmeen in ay dhexdhexaad noqdaan.
Xubnahaan shaqada laga ceyriyay ayaa tiradoodu dhan tahay 7 xubnood, waxayna kala yihiin:
1. Xuseen Laki Maxamad Maxamuud
2. Axmad Saciid Samatar
3. Maxamad Faarax Xersi
4 Nimco Axmad Cabdi
5. Cali Maxamuud Faarax (Seeko)
6. Cabdiramaan Maxamad Cali
7 Maxamad Ciise Heybe.
Qodobka 2aad
Waxaa la magaacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay ka mid noqdaan guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya iyagoo beddelaya xubnaha xil ka qaadista lagu sameeyay
1 Ismail Maxamad Axmad
2 Fardowsa Mataan Buulle
3 Ayaanle Axmad Cabdulle
4 Bashiir Axmad Yusuf
5 Xasan Axmad Dhicisow
6 Axmed Barre Maxamad
7 Maxamad Cawil Warsame