Qoysas kasoo cararay colaadda Yemen oo lagu soo dhaweeyay Boosaaso

0
757

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyay 98 Qoys oo ka kooban Soomaali iyo Yemeniyiin kasoo cararay colaadda ka aloosan dalka Yemen.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ay wehliyaan Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso ayaa dekedda ku qaabilay dadkaasi.
Qoysaska oo u badan haween iyo carruur ayaa loo gudbiyay xarunta qaabilaadda Qaxootiga ee magaalada Boosaaso.
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay in qaxootiga Xarunta la geeyay lagu lagu siiyay adeegyo ay ka mid yihiin Cunto bisil, biyo iyo adeegyo Caafimaad oo Degdeg ah.
Dadka ka soo cararaya colaadda Yemen ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku qul-qulaya Puntland gaar ahaanna Boosaaso.