Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo shixnado gargaar ah u dirtay dalka Afghanistan

0
733

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa laba diyaaradood oo sida shixnado gargaar ah waxay u dirtay wadanka Afghanistaan sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha ee boqortooyadu.
Waa marki ugu horraysay ee uu Sacuudigu qaado tallaabo noocan ah tan iyo marki talada dalka Afghanistan ay la wareegeen xooggagga Taalibaan bishi 8 –aad ee sanadkan ka dib ka bixitaanki ciidamada Maraykanka ee dalkaasi.
Sida ay baahisay wakaallada wararka ee Boqortooyada ee Saudi Press Agency, shixnaddan gargaarka ah ayaa gaaraysa 65 tan.
Cabdullah al-Rabeeah oo ah sarkaal ka tirsan boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dhankiisa sheegay in guud ahaan ilaa 6 diyaaradood oo sida kaalmo bina’adanimo oo dhan 197 tan la gaarsiin doono dadka dhibataysan ee ree Afghanistan .
Waxaa uu mas’uulkan xusay in sidoo kale ilaa 200 oo baabuurta xamuulka qaada oo sida gargaar Sacuudigu ku diyaariyay dalka Pakistan oo xuduud la leh Afghanistan dhawaan halkaasi ay gari doonaan.
Shirwaynihi waddamada khaliijka oo Taladadii toddobaadkan lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Riyaad ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ayay dalalka carbeed isku raceen inay hormuud u noqdaan sidi gargaar lagu gaarsiin lahaa dadka wadanka Afghanistaan iyada oo dhanka kale Afghanistan laga tageerayo sidii dhaqalaheedu dib ugu soo kabsan lahaa.
Kala bar dadka ree Afghanistan ayaa wajahaya cunno yari baahsan halka malaayiin kale ay qarka u saaran yihiin qaxootinimo sida laga soo xigtay hay’adaha gargaarka ee qaramada midoobay.
Isku soo wada duubo shacabka Afghanistan ayaan haysan dowlad dunidu aqoonsan tahay iyada oo xukunki wadankaasi guud ahaan ay la wareegeen kooxda Taalibaan.