Hoggaamiyayaasha Maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ee Axmad Maxamad Islaam (Madoobe) iyo Cabdicasiis Xasan Maxamad (laftagareen) ayaa Warmurtiyeed kasoo saareen kulamadii ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo.
War-murtiyeedka oo ka kooban hal Bog ayaa lagu faahfaahiyay qodobbadi ay ka wada hadleen,oo kala ahaa Abaaraha, Amniga, Horumarinta Dhaqaalaha, Ganacsiga isdhex-galka Bulshada, xoojinta Hanaanka Federaalka & doorashoyinka.
Hoggaamiyayaasha laabada maamul ayaa walaac ka muujiyeen Abaaraha baahsan ee saameeyey guud ahaan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Shacabka labadaan maamul iyagoo ku baaqay in gurmad degdeg ah oo bani’aadanimo lala gaaro Shacabka ay Abaartu saameeysey waxayna ka mahadceliyeen dadaallada ilaa hada socda.
Sidoo kale in la iska kaashado guud ahaan amniga iyo xasiloonida, la dagaalanka argagixisada iyo isweydaarsiga xogaha amniga ku saabsan.
Waxay kaloo ay ka hadleen Horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Isdhexgalka Bulshada ayadoo la iska kaashanayo horumarinta wax soo saarka Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee deegaanada ay labadaan maamul ka arimiyaan.
Hoggaamiyayaasha maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa sheegay inay sidoo kale ka wada hadleen Xoojinta Hannaanka Federaal ayadoo laga wada shaqeynayo horumarinta iyo taabagelinta hannaanka federaalka ayadoo lala kaashanayo maamul goboleedyada kale iyo dowladda dhexe.
Waxaa kaloo war-murtiyeedkooda ku sheegeen inay isla garwaaqsadeen in qabsoomidda iyo dardargelinta dhameystirka doorasho daahfuran ay xal u tahay horumarka iyo badbaadada Soomaaliya.
Ka sokoow War-murtiyeedkaan ay sida wadjirka ah u soo saareen hoggaamiyayaasha maamullada ee Jubbaland & Koonfur Galbeed waxaa jiray warar kal hore soo baxayay oo sheegayay inay ka wada hadleen sidii loogu guuleysan lahaa rag ay la doonayaan inay ka mid noqdaan Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaasoo degaan doorashadoodu tahay Magaalooyinka Kismaayo & Baydhabo.