DHAGEYSO:C C/Shakuur oo ka hadlay waxyaabaha ay doorashada ku diidan yihiin

0
304

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana mid ah Midowga Musharrixiinta dalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxda dowlad Goboleedyada inay qayb ka yihiin boobka lagu haayo doorashooyinka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka wadankaasi.
Xilli uu wareysi siiyay teleefishinka maxalliga ee Universal ayuu sheegay in dowlad Goboleedyada iyo dad kale ay diidan yihiin in la saxo doorashada, islamarkaana ay ku andacoonayaan inay sidaan ku socoto la iskana daayo, iyaga oo aaminsan in Farmaajo uusan markale xukunka kusoo laabaneyn.
Waxaa wax laga weeydiiyay, iyaga oo dalbaday in doorashada la joojiyo go’aankii Maamulka Jubbaland uu ku iclaamiyay qabashada doorashada Afarta kursi, wuxuuna ku jawaabay.
“Hadii Axmad Madoobe anaga oo dalbanay joojinta doorashada uu soo fasaxay doorashada 14 kursi waxay u muuqataa in uu raali ka yahay boobka doorashada dadkaas ayuuna loona mid yahay ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha ayaa horay dhowr jeer u dalbaday in la joojiyo doorashada Golaha Shacabka, hayeeshee aan dheg jalaq loo siin taa bedelkeedana la shaaciyay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Jubbaland iyo Beelaha Banaadiriga.