DHAGEYSO:Kulan amaanka looga hadlayo oo ka dhacay Boosaaso

0
444

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa maanta oo khamiis ah gudoomiyey shirka todobaadlaha ah ee saraakiisha booliiska gobolka bari.
Shirkaan ayaa looga hadlay amaanka guud ee gobolka bari iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xaaladaha amni, taliyaha ayaana saraakiisha ka xog wareystay xaaladihii ugu danbayey ee amaanka guud ee gobolkaasi.
Shirka waxaa ka qayb galay Hogaan ku xigeenka CID Aadan Axmed Cali,Taliyaha qaybta booliiska Gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir,Taliye kuxigeenta qaybta Khaalid Maxamed Cabdiraxmaan iyo saraakiisha ciidamda amaanka ee ka howlgala deegaanada gobolka Bari.
Ugu danbayna taliyaha ayaa bogaadiyey amaanka guud ee gobolka iyo sida markasta ciidanka boolliiska ugu heegan yihiin sugida amaanka.
Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli aan weli wax xal ah laga gaarin khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Saraakiisha Ciidamada PSF ee ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Agaasimaha Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.
Dhanka kale madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegay inay dalka Soomaaliy muhiimad weyn u leedahay hormarinta dhaqaalah.
Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa xusay in burburkii Soomaaliya uu si aad ah u saameeyay qaybaha dhaqaalaha taasoo soo kabashadeeda ay ka qayb yihiin hormarinta bangiyada iyo xawaaladaha.