DHAGEYSO:Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo Gaalkacyo kulamo ka wada

0
337

Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed Generaal Mahad C/raxmaan Adan ayaa kulan looga hadlayay tayeynta ciidanka Asluubta Galmudug Gaalkacyo kula qaatay saraakiisha ciidanka iyo masuuliyiinta maamulka Galmudug ee gobolka mudug.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa dhawaan laga hirgaliyay xabsiga ugu weyn ee Galmudug waxaana lagu wadaa in dhawaan xariga laga jaro ayadoo sidoo kale xabsiga loo dhamaystirayo dhamaan waxyaabaha muhiimka ee dhanka agabka uu kaga baahan yahay.
Taliyaha howlgalinta ciidanka asluubta qaybta maamulka galmudug gaashaanle sare Suleymaan Maxamed Axmed ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay kulankaas.