DHAGEYSO:Wasiirka warfaafinta oo sheegay in senetaradii la doortay ay caqabado wajahayaan

0
259

Wasiirka wasaarada warfaafinta dowlada Fedraalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Sanataradii la doortay xaalad adag ay ku jiraan si xal loogu helo arintaasna loo baahan yahay in doorashada jiitanka laga bixiyo oo la dadajiyo.
Wasiir dubbe ayaa sheegay in senetarada la doortay aysan kaarar helin sidoo kalena aysan xaquul helin oo ay shaqadii hore ay hayeen ka tageen mida cusub ee loo doortayna aysan wali xaquuq uga bilaaban.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu amaanay doorka ciidamada amaanka Soomaaliya iyo warbaahintu ay ku leeyihiin sugida amaanka dalka.