Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay safiirada reer galbeedka

0
228

Madaxweynaha maamul Goboledka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye qoor qoor ayaa aaladda fogaan aragga kulan kula yeeshay Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub.
Madaxweyne Qoor Qoor iyo danjirayaasha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga deegaanada maamulka Galmudug iyo Doorashada Soomaaliya ee haatan socota taasoo dhaliilo badan ay ka soo noqonayaa sidoo kale jiitankeedu uu dheeraaday.
Ugu danbeyntii, Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ka mahadceliyay taageerada beesha caalamka ee doorashooyinka dalka Soomaaliya iyo waxyaabaha kale ee Soomaaliya ay ka kaabaan saaxiibadeeda caalamiga ah.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida ku cadaadinaya inaysan markale dib u dhicin doorashada Soomaaliya, isla markaana loo qabto si xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.