Israa’iil oo duqeyn ku dishay askari u dhashay Syria

0
267

Waxaa lagu soo warramayaa in gantaal ay adeegsatay Israa’iil uu sababay dhimashada askari Suuriyaan ah.
Wakaaladda wararka ee SANA oo soo xiganaysa ilo wareedyo ka tirsan ciidamada gaashaan dhigga ayaa sidatan qortay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ilaalada ee hawada Suuriya ay ka falceliyeen gantaallo lagu bartilmaameedsaday koonfurta wadankaasi.
Militariga Suuriya ayaa sheegaya inay soo rideen in badan oo ka mid ah gantaallada in kastoo hal askari uu kaga dhintay weerarkaasi dhanka cirka ah.
Sidoo kale duullaanka Israa’iil oo lagu tilmaamay daandaansi ayaa sababay burbur dhanka qalabka ah.
Dabayaaqadii bishii hore ayay ahayd markii Israa’iil ay galbeedka gobolka Homs ee Suuriya ay ku dishay 5 qof sida laga soo xigtay ururka SOHR oo si dhow ula socdo xaaladaha baniaadanimo ee wadankaasi.