DHAGEYSO:Booliska Ruaka oo dilay 2 burcad hubeysan

0
466

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada ammaanka ee deegaan baarlamaneedka Ruaka ee ismaamulka Kiambu ay shalay subax howlgal ku dileen 2 burcad oo hubeysnaa oo doonayay in dhac ka gaystaan xarun ganacsi oo halkaasi ku taalla.
DCI-da ayaa intaasi ku dartay in burcadda lagu dilay rasaas ay iswiidaarsadeen iyaga iyo booliska, ka dib markii ay u hogggnasami waayeen amar ka soo baxay saraakiisha oo ahaa inay is dhiibaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hal askari oo booliis ah uu ku dhaawacmay israsaaseynta islamarkaana haatan lagu dabiibayo xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka Ruaka, iyadoo xaaladdiisu ay wanaagsan tahay.
Sida laga soo xigtay waaxda dambi baarista DCI-da, labadan qof ayaa lala xiriiriyay dhac dhawaan laga gaystay dukaan wayn oo ku yaalla xaafadda Ngara ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay ka dhaceen lacag aan cadadkeeda la cayimin.
Dambi baarayaasha ayaa haatan baadigoob ugu jira tuhmane saddexaad oo burcadda la dilay la socday kaas oo mooto ku baxsaday.
Mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka ee deegaanka Ruaka ayaa laamaha ammaanka uga mahadceliyay tallaabada ay qaadeen ee lagu ciribtiriyo burcadda goobtaasi dhac ka gaysata.