DHAGEYSO:Madaxweynaha Kenya oo dhagax dhigay guryo ay ciidamada difaaca KDF-ta dagayaan

0
385

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa gaaray deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi si uu u guddoomiyo munaasabad lagu dhagax dhigayo guryaha ay dagayaan ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta.
Mashruucaan oo lagu dhisayo guryo qarashkooda la awoodi karo oo ka mid ah ajandeyaasha ugu waaweyn ee dowladda dhexe ayaa laga hirgelin doonaa dowlad deegaannada Nairobi, Mombasa iyo Nakuru.
Shaqaalaha adeegga iyo saraakiisha kale ayaa loo qoondeeyay wajiga koobaad ee mashruucaan ayadoo loo marayo iskaashiga dowladda iyo waaxyaha gaarka loo leeyahay waxaana ku baxaya dhaqaale gaaraya 7.5 billion oo shilinka dalka ah.
Guryahan ayaa 2,340 ka mid ah waxaa laga dhisayaa xarumaha militeriga ee goobaha kala ah deegaanka Roysambu ee ismaamulka Nairobi, Kwambuzi ee taalla magaalada Nanyuki, deegaanka Nyali ee ismaamulka Mombasa, xarumaha ciidamada KDF-ta ee Lanet iyo Gilgil ee dowlad deegaanka Nakuru.
Madaxweynaha dalka oo ka hadlay mashruuca lagu dhagax dhigayo guryaha ay dagayaan ciidamada KDF-ta ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ah