Boqolaal qof oo ku xanniban dab ka kacay dhismaha xarunta ganacsiga adduunka ee Hong Kong

0
351

Wararka naga soo gaaraya Hong Kong ayaa sheegay in dhismo ka kooban 38 dabaq oo uu dab ka kacay ilaa iyo hadda ay ku xanniban yihiin in ka badan 300 qof.
Waxaa hadda socdo howlaha samatabixinta.
Dabka ayaa ka kacay qayb ka mid ah xarunta ganacsiga adduunka ee Hong Kong abaare 12:37 ee duhurnimo ee saacadda maxalliga ee dalkaasi.
Booliska Hong Kong ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ilaa iyo hadda ugu yaraan 8 qof loo la cararay isbitaal ka dib markii ay dhaawacyo soo gareen.
Sideedda qof ay dhaawacmay ayay da’doodu u dhaxaysaa 31 ilaa 72 sano jir.
Ilaa iyo hadda ma jirto dad ku dhintay dabkaasi.
Mas’uuliyiinta Hon Kong ayaa dhanka kale sheegay in 150 qof ilaa hadda laga soo badbaadiyay goobta uu dabka ka kacay.