Guddiyada doorashada Soomaaliya iyo xubnaha beesha caalamka oo shiray

0
271

Waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya kulan ku yeeshay Guddiga Hirgelinta Doorashada ee Heer Federaal, dhigeeda Hirgelinta doorashada heer maamul Goboleed, Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada iyo deeq-bixiyeyaasha Caalamiga ah ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay howlaha doorashada ee la qabtay ilaa iyo hadda, waxaana hoosta laga xarriiqay in loo baahan yahay xaqiijinta hannaan doorasho oo si weyn la isugu haleyn karo lana aqbali karo oo horay u socod leh.
Guddiyada kala duwan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa warbixin la xiriirta hab u socodka doorashooyinka waxay siiyeen Wakiillada Beesha Caalamka, iyagoo u sheegay in doorashooyinka ay si wanaagsan dalka uga socdaan.
Wakiillada Beesha Caalamka ayaa soo hadal qaaday cabashooyinka ka imaanaya qaar ka mid ah xubnaha doorashooyinka, waxaana guddiyada kala duwan ay ku boorriyeen inay qabtaan doorashooyin si siman looga wada qeyb qaato oo la isla ogol yahay.
Dalalka Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa culeysyo kala duwan saaraya Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya iyo Guddiyada doorashooyinka si loo dhameeyo mad madowga ka jira doorashooyinka iyo cabashooyinka ka soo noqday.