Waxaa wali cirka isku sii shareeraya Buuqa iyo sawaxanka Xarunta Golaha Wakiillada Somaliland, iyadoo Gudaha xarunta laga maqlay Rasaas, taasi oo buuq iyo jahwareer hor leh dhalisay.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa bannaanka hore ee xarunta Warbaahinta kula hadlaya, waxaana Xildhibaanadu ay u kala qayb sameen dhowr qaybood oo iska soo hor jeeda.
Sidoo kale Kulanka Golaha ayaa furmi la’a kooram la’aan darteed, waxaana sharci darro lagu tilmaamay Mooshin abaabulan oo ay wadaan Garab ka mid ah Xildhibaaanda, iyadoo Golaha sharci yaqaannada Baarlamaanku ay sheegeen in Mooshinkaasi yahay mid baal marsan sharciga Golaha.
Wali xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana la arkayay labo Xildhibaan oo gacanta iskula tagay, iyadoo Baraha Bulshada si weyn u qabsaday Muuqaalka Maxamed Khadar iyo Khadar Guun, kuwaasi oo gacanta iskula tagay, si toos ahna isku feeray.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hadda ay xarunta soo galeen Ciidamo Hubeysan, kuwaasi oo xaaladda sii xumeyay, ka dib markii Qaar ka mid ah xildhibaanada ay si carol eh ugu qayliyeen Askarta.
Buuqa iyo Khilaafka ayaa ka dambeeyay ka dib markii Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliland Saleebaan Cali Koore oo shir jara’aid ku qabtay magaalada Hargeysa oo uu sheegay in isaga oo ku hadlaya afka madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, uu u caddeynayo bulshada in furista ururrada siyaasadda ay tahay arrin dowladdu aqoonsantahay.
Waxaana Saleebaan Cali Koore uu sheegay in arrintaan aynan hadda wax dood ah ka taagneyn haddii ay dhacdana in la isku qabto aynan u oolin xitaa Golaha Wakiillada Soomaaliland balse ay u taallo oo kaliya maxkamadda dastuuriga ah.
Balse Xisbiyada Mucaaradka ayaa si toos ah kaga hor yimid arrintaasi, iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Ucid iyo Waddani ay dhankooda qabteen Shir Jaraa’id, waxana ay sheegeen in marnaab aysan aqbalin doonin tallaabada uu qaaday Muuse Biixi.
Qaar ka mid ah xildhibaanada wakiillada Soomaaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa wixii meesha ka dhacay ku tilmaamay sharci darro.