Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qarax ka dhacay magaalada Jowhar

0
537

Qarax sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saacad ka hor ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay maqaayad ku taallo xaafadda kulmis oo ay fadhiyeen xubno xildhibaano ah.
Waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal qof halka dhowr kale  ay qaraxa ku dhaawacmeen, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in labo Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle uu dhaawac soo gaaray.
Laamaha Ammaanka oo gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa halkaasi ka qaaday dhaawacyada Xildhibaanada.