Bankiga adduunka oo Soomaaliya ka taageerayo adeegga korontada

0
424

Bankiga Adduunka ayaa shalay ku dhawaaqay mashruuc ku kacaya 150 milyan oo doolar oo dib loogu soo noolaynayo adeegga korontada ee dalka Soomaaliya.
Mashruuca dib u soo kabista adeegga korontada ayaa kordhinayo helitaanka koronto nadiif ah oo qiimaheedu hooseeyo oo ay helaan dad dhan 1 milyan iyo 100 kun oo qof ama qiyaas ahaan 7 milyan oo Soomaali ah kuwaasi oo kala-badh ay yihiin dumar.
War saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Adduunka ayaa lagu sheegay in ilaa 15 milyan oo qof oo Soomaali ah, 9 milyan oo ka mid ah aysan haysan koronto, qiimaha korontaduna uu ku jiro kuwa ugu qaalisan dunida.
Taasi waxaa la socota in tobankii qof ee Soomaali ah, sagaal ka mid ah ay saameysay mid ka mid ah culayska ka imanaya dhinaca lacag la’aan, tamarta, waxbarashada, biyaha iyo adeegyada sixada.
Helitanaka koronto la awoodo waxay muhiim u tahay hoos u dhigista faqriga sababtoo ah waxay kor u qaadaysaa dakhliga qoyska, waxay saacidaysaa jawiga ganacsiyada, waxayna abuuraysaa shaqo, sidaasi waxaa tiri Kristina Svensson, maamulaha Bankiga Adduunka laantiisa dalka Soomaaliya.
Madaxda Bankiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucan uu sii kaabayo shaqada Bankiga Adduunka ku gargaarayo hay’adaha maxalliga ah ee nugul, iyo kuwa waddamada ay colaaduhu saameeyeen, iyadoo hadafku yahay kor u qaadista aqoonta dadka deegaanka iyo kartida lagu kobcinayo adeegyada, sida lagu sheegay war saxaafadeedka kasoo baxay Bankiga Adduunka.