UNICEF oo sheegtay in 2.6 milyan oo qof ay wajahayaan biyo yari abaarta ka dhalatay Soomaaliya awgii

0
255

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF ayaa shalay ku baaqday in la qaado tallaabo degdeg ah oo wax looga qabanayo baahiyaha biyaha ee Soomaaliya si wax looga qabto abaaraha xooggan ee ka jira gudaha wadankaasi oo biyo yari sababay.
Ilaa 2.6 milyan oo qof ayaa wajahaya biyo la’aan sababo la xiriira xaalado abaareed oo daran oo ka jira dalkaasi, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay UNICEF.
Gobollada sida ba’an ay abaartu u saameysay xilligan ee Soomaaliya waxaa ka mid ah Gedo, Baay, Bakool, Jubbada Hoose, Galgaduud, Mudug iyo qaybo ka mid ah gobollada Bari, Nugaal, Sool, Sanaag, Togdheer iyo Hiiraan.
“Biyo la’aanta iyo xaaladaha abaareed ayaa sabab u ahaa kororka qiimaha biyaha taasoo keentay barakac, cudurrada shubanka iyo nafaqo-xumada ee qaybo badan oo Soomaaliya ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ka badan 2 milyan oo qof oo ku nool 66 degmo ay u baahan yihiin adeegyo biyo-badbaadin ah oo degdeg ah.
“Haddii aan si degdeg ah kor loogu qaadin adeegyada Fayadhowrka iyo Nadaafadda, in ka badan 3 milyan oo qof ayaa baahi wayn dareemi doona dhammaadka bisha Saddexaad ee sanadka 2022-ka, mana heli doonaan ugu yaraan biyaha looga baahan yahay maalin kasta 45 litir qoyskiiba,” sida ay sheegtay UNICEF.