Dalka Soomaaliya oo loogu deeqay daawooyin iyo agab caafimaad

0
415

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa maanta deeq isugu jirta qalab iyo daawo ka guddoontay Hay’adda Samafalka ee Cuman (Oman Charitible Organization).
Deeqdan ayaa ka timid Boqortooyada Dalka Cuman taasoo ay ugu talagaleen Inay kaga qeyb qaataan ka jawaabida Caabuqa Covid-19 iyo taakuleynta Shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Fawziya Abiikar oo deeqda gudoontay ayaa bogaadisay kaalmada ka timid dalka Cumaan.